Kooxda Horseed Oo Guuldaro Ku Bilaabatay Is Reeb-Reebka Koobka CAF Confederation Cup.

0
196

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Horseed ayaa guuldaro la kulantay kulankoodii ugu horeeyay ee is reeb-reebka koobka CAF Confedration Cup kulan ka dhacay Azam Complex Stadium kadib markii ay guuldaro kala kulmeen kooxda Azam FC.

Kooxda AZam oo ka dhisan dalka Tanzania ayaa hal lug la gashay wareega xiga ee is reeb-reebka kadib markii ay garaaceen kooxda Horseed ee haysata horyaalka Dalka Somaliya.

Kulanka ayaa ku dhamaaday natiijo 3/1 ah kulan hal dhinac ahaa oo ka tirsana is reebreebka waxana ay kooxda Horseed u baahantahay in ay gaadho guul 2/0 ah hadii ay doonayso in rajo helaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here