Modric oo PL Ku Soo Laabanaya.

0
132

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Man City ayaa isha ku haysa dalab ay ka geeyaan qadka dhexe kooxda Real ee Modric marka suuqa xagaaga dambe la gaaro.

Laacibkaan 36 sano jirka ah ayuu hishiiskiisa Real dhacayaa xagaaga dambe balse meeshii lagu gaaro january kooxda uu doono ayuu la sii hishiin karaa

Wargeyska El Nacional ee Spain ayaa qoraya in City ay durba xariir la sameeyeen wakiilka Modric iyaga oo u arka in qibaradiisa ay isu dheel tirnaan siin karto qadka dhexe Man City , waxa uuna Pep u arkaa badelka Fernandinho kaasi oo kooxda ka tagaya marka xilli ciyaareedkaan uu dhamaado

Warka waxa uu intaas ku darayaa in City u bandhgeen Modric qorshe ah in sanadaha dambe ee aayihiiss kubadda cagta in uu ka ciyaarayo kooxdooda reer Mareykanka ee New York City

Modric ayaa Real u saftay 392 kulan tan iyo markii uu kaga soo biiray Tottenham  sanadki 2012-dii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here