Liverpool oo Chelsea Kaga Horeysa Baacsiga Da`yar U Jooga Kooxda Dortmund.

0
163

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa isu diyaarineysa dalab ay ka geeyaan xiddig u jooga kooxda Dortmund kaasi oo ay haatan yihiin dhinac ku xooggan baadi goobkiisa

Daily Star ayaa soo xiganeysa in Reds ay si dhab u doonayaan saxiixa Jude Bellingham kaasi oo kubadda  ka xamaala qadka dhexe

Kooxaha kale ee 18 sano jirkaan reer Ingiriis isha ku haya waxaa ka mid ah Chelsea xilli qiimihiisa suuqa lagu qiyaasay 80 milyan oo euro

Laacibkaan hore ee Birmingham Cit ayaa kooxda reer Jarmal u tagay sanadkii hore waxa uuna qandaraaskiisa Dortmund dhacayaa xagaaga 2025-ka

Liverpool ayaa weli baadi goobeysa badelka Wijnaldum kaasi oo qaab xor ah kaga tagay xagaagaan kuna biiray PSG.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here