Leroy Sane oo Ku Soo Wajahan Premier League.

0
164

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weeraryahanka Bayern Munich Leroy Sane ayaa laga yaabaa inuu ku soo laabto Premier League hal sano ka dib markii uu ka tagay Manchester City kuna biiray kooxda Bayern Munich.

Sida ay sheegayaan wararku Thomas Tuchel ayaa taageero u ah xiddiga 25 jirka ah waxana uu doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa marka uu furmo suuqa.

Xiddiga Leroy Sane ayaa premier League u soo ciyaaray Isaga oo door weyn ka qaatay ku guulaysigii Man City ee horyaalka premier League intii uu joogay.

Xiddiga reer Germany ayaa xagaagii hore ku biiray kooxda Bayern Munich laakiin ku dhibaatooday in uu si joogto ah qaab ciyaareed fiican ugu soo bandhigo kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in ay chelsea suuqa January ama xagaaga u dhaqaaqi karto xiddiga Sane si ay ugu xoojiso weerarkeeda xilli uu Tuchel doonayo in uu dhiso koox koobab ku guulaysanaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here