Cudurka Covid-19 oo faro Kulul ku Haya Gaarrisa.

0
148

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wararka imaanaya xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab iyo guud ahaan deegaanka Gaarisa ayaa sheegaya in cudurka Covid-19 uu faro kulul ku hayo deegaankaasi, dad badana ay u dhinteen.

iMasuuliyiinta caafimaadka deegaankaasi ayaa sheegay in ay masaajiddu ka mid yihiin meelaha sida xawliga ah la isu qaadsiin karo cudurka, maadaama aysan dadweynuhu dhaqan gelin tallaabooyinka looga hortagayo cudurka.

Masuuliyiinta caafimaadka ayaa awaamiir iyo tallaabooyin lagu xakamaynayo cudurka ka soo saaray qaabka loogu Tukanayo goobaha cibaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here