Cudurka Covid-19 oo Sameyn ku yeeshay kobaca dhaqaale ee Dalalka Africa.

0
202

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Saddex sanadood ka hor, ku dhawaad dal kasta oo ka mid ah dalalka qaaradda Africa waxa uu oggolaaday in uu qeyb ka noqdo heshiis dhinaca ganacsiga xorta ah, kaasi oo loogu talagalay in lagu yareeyo tarifada la dulsaaro badeecadaha, sarena loogu qaado dhaqaalaha.

Laakiin heshiiskaasi weli si buuxda uma dhaqan gelin, sababo la xiriira xayiraadaha ka dhashay COVID-19.

Qorshahan ayaa ahaa mid lagu doonayay in 30 malyan oo ruux oo nool dalalka Afrika inay uga baxan saboolnimada.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in heshiiskan suuqa xorta uu dhaqaalo badan soo gali lahaa dalalka Afrika kaasoo gaaraya 450 Bilyan oo dollar marka la gaaro sannadka 2035-ta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here