Ku Biiristii Saul Niguez Ee Chelsea oo Gabi Ahaan Bur-burtay.

0
175

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Baacsigii ay kooxda chelsea ugu jirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Atletico Madrid ee Saul Niguez ayaa gabi ahaan bur-burtay maalmo yar ka hor xidhitaanka suuqa kala iibsiga sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga khadka dhexe ayaa la sheegayaa in uu iska diiday in uu ku soo biiro kooxda chelsea sabab la xidhiidha in uu Thomas Tuchel diiday in uu u balan qaado boos joogto ah oo kooxdiisa ah.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay chelsea qarka u saarnayd in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga ka hor inta uuna xiddiga 26 jirka ah iska diidin Blues.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here