Haweenay Qaxooti ah oo Diyaarad ku Dhex Umushay.

0
187

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qaxooti reer Afgaanistaan ah oo u carareysay UK, ayaa gabar ku dhex dhashay diaaraddii sidday intii ay ku jirtay duulimaadkii daadgureynta ee ku socday Birmingham.

Soman Noori, oo 26 sano jir ah ayaa ka duushay Dubai waxa ayna ku socotay magaalada Birmingham, iyadoo markii ay Kabul ka soo baxeysay ay foolaneysay, sida ay sheegay Turkish Ailines.

Iyadoo uusan diyaaradda saarneyn dhakhtar ayaa xubno ka tirsan shaqaalaha diyaaradda ay ka dhiliyeen gabadha yar oo lagu magacaabo Havva. Diyaaradda ayaa sheegtay, in hooyada iyo gabadheeduba ay caafimaad qabaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here