Juventus oo Weerar Dhanka Suuqa Ah Ku Qaaday Real Madrid.

0
158

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Juventus ayaa lumisay xiddiga Cristiano Ronaldo kaas oo ku biiry Man United, waxana ay Bianconeri bilowday raadinta badalka Ronaldo waxana ay la xidhiidheen Real Madrid si ay uga helaan xiddiga Eden Hazard.

Xiddiga reer Belguim ayaa ah bartilmaameedka kooxda ee Juventus waxana la rumaysanyahay in ay doonayaan in ay dalab Rasmi ah ka gudbiyaan saxiixiisa maalmaha soo socda ka hor inta uuna xidhmin suuqa xagaaga.

Hazard ayaa ku bilowday labadii kulan ee horyaalka La Liga ee Real Madrid waxana aad moodaa in uu dib u helayo qaab ciyaareedkii fiicnaa ee looga bartay isaga oo kooxda u muujinaya tayadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here