Cristiano Ronaldo oo ku Biiray Kooxda Manchester United.

0
203

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Weerar yahanka kooxda Juventus, Cristiano Ronaldo, ayaa dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Manchester United.

Bayaan ay soo saareen maamulka United ayay ku xaqiijiyeen in ay Juventus la gaareen heshiiska lasoo wareegitaanka Ronaldo.

Waxa harsan waa in Ronaldo heshiis si shakhsi ah loola meel dhigo heshiiska, sida ku cad bayaanka United ay ku daabacday boggeeda.

Warkan ayaa durbadiiba si deg deg ah u qabsatay warbaahinta caalamka oo dhan.

Markii hore waxaa maalmahan la hadal hayay in Ronaldo uu ku sii jeedo magaalada Manchester, balse kooxda uu u socdo ay tahay City oo ay si weyn u xifaaltamaan United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here