Dowladda Pakistan oo si kulul u cambaareysay masjid lagu Burburiyay Wadankooda.

0
137

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa si kulul u cambaareysay burburinta lagula kacaya masaajidka Bilaal Haryana ee ku yillay xaafadda Aravalli ee magaalada Faridabad.

Pakistan burburka “Masaajidka Bilaal” loo geystay waxay ku tilmaantay xadgudub loo geystay xuquuqda aadanaha dadka laga tirada badan yahay gaar ahaan muslimiinta.

Aafhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan Asim Iftikhar Ahmed bartiisa Twitter-ka wuxuu ku soo qoray ” Pakistan iney si kulul u cambaareyneyso burburinta uu maamulka Hindiya ee Haryaana uu u geystay masaajidka Bilaal.”

Farriinta eedda uu afhayeenku Twitter-kiisa soo dhigay wuxuu ku sheegay “Doorki garsoorka uu lahaa iney wiiqantay inta uu hoggaanka dalka Hindiya qabtay xisbiga BJP-RSS.”

Wuxuuna beesha caalamka ugu baaqay iney dhinac uga soo wadajeesato xadgudubka ay u geysato xuquuqda ay leeyihiin dadka laga tirada badan yahay, gaar ahaanna Muslimiinta.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here