Madaxweynaha Tanzania oo lagu Eedeeyey in ay ku Xadgudubtay Haweenka Dalkaasi.

0
158

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha dalka Tanzania ayaa lagu canbaareeyay hadal ay ku sheegtay in dumarka kubadda ciyaarada ee waddankaas ay leeyihiin “xabad fidsan” iyo in aysan lahayn qurux lagu guursan karo.

Samia Suluhu Hassan ayaa hadalkan carada weyn dhaliyay jeedisay xilli ay martigalineysay kooxda kubadda cagta ee ragga ee ay da’dooda ka hooseyso 23-ka sano. Waxay ciyaartoyda ku qaabishay xarunta madaxtooyada ee magaalada Dar Es Salaam.

Samia oo 61 jir ah waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee abid madaxweyne ka noqota Tanzania.

Haweeneyda sameysa cilmi baarista jinsiga iyo caafimaadka maskaxda, @Sajokm, ayaa iyaduna sheegtay in ay aad “uga naxday” hadalkaas.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here