Arsenal Oo Ka Jawaabtay Dalab Is Dhaafsi Ah Oo Ay Barcelona Ugu Soo Bandhigtay Philippe Coutinho.

0
165

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay diiday dalab isku badalasho ah oo ay Barcelona ugu soo bandhigtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Philippe Coutinho inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay iska dirto xiddiga Philippe Coutinho kaas oo ay ku dhibaatoonayso mushaharkiisa aadka u sareeya xilli ay ku jirto xaalad dhaqaale oo xun.

Dhanka kale Barcelona ayaa doonaysa xiddig weerarka ka ciyaara waxana ay calaamadsatay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang si ay ugu xoojiso weerarkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here