Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa kordhiyay bandowga xiliyada habeenkii saarnaa magaalooyinka Keyna, isagoo soo saaray awaamiir lagu xoojinayo ka hortagga faafidda xanuunka COVID-19 oo kiisaskiisu ay kordheen.
Uhuru Kenyatta ayaa mamnuucay isku imaaditaanka dadka isagoo sheegay in warbixinadii ugu danbeeyay lagu xaqiijiyay kororka tirada dadka uu ku dhacayo COVID-19.