RW Rooble Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Dalka Masar

0
180

JOWHAR (Radio isnaay) Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiirka DSoomaaliya iyo howl wadeennada safaaradda ayuu ku dhiirigeliyay sii xoojinta howsha ay Qaranka u hayaan.

Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha Xukumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa Kormeeray qeybaha ay ka koobantahay safaaradda,kalaasi oo u kula kulmay howl wadeennadda iyo masuuliyiinta ka howl galah xarunta waxaana uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka.

Waxaana ugu dambeyntii uu RW Rooble xarigga ka jaray qeybo ka mid ah dhismaha safaaradda oo dib u dhis lagu sameeyay.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here