Cristiano Ronaldo Oo ka Hadlay wax ku Saabsan Mustaqbalkiisa.

0
166

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa afka furtay kadib markii si weyn looga hadlay mustabalkiisa saacadihii la soo dhaafay lana sheegayay in uu isaga tagayo kooxda Juventus xagaagan.

Waxa soo baxay warar sheegaya in uu wakiilka Cristiano Ronaldo saxiixa xiddiga u soo bandhigay kooxda Man City si uu xiddigu ugu laabto premier League suuqa xagaagan.

Kadib waxa soo baxay warar sheegaya in uu Tababaraha Kooxda Juventus ee Carlo Ancelotti maamulka kooxda Real Madrid ka dalbaday in Cristiano lagu soo celiyo Santiago Bernabue halka uu Ancelotti la xidhiidhay xiddiga si uu ugu qanciyo ku laabashada Los Blancos.

Laakiin Ronaldo ayaa afka furtay kana jawaabay wararkaas isaga oo bogiisa Instagram-ka ku soo qoray:

Cid walba oo i garanysa waxa ay ogtahay sida aan diirada u saaro shaqadayda, hadal yar iyo hawl badan, ayaa ahayd ujeedkayga tan ilaa markii aan bilaabay xirfadayda ciyaareed laakiin hadana waxa jira waxyaabo laga qoray mustaqbalkayga waxana aan doonayaa in aan ka hadlo mawqifkayga”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here