Tababaraha Ugu Horeeya Premier League Ee Shaqada Laga Cayrin Doono oo La Saadaaliyay.

0
131

Jowhar – (Radio Isnaay ) – Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa loo saadaaliyay in uu noqdo tababaraha ugu horeeya ee waayi doona shaqadiisa xilli ciyaareedkan horyaalka premier League.

Mikel Arteta ayuu cadaadis weyn saaranyahay kadib qaab xun oo ay kooxdiisu ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League kadib guuldaradii Brentford.

Arsenal ayaa labada kulan ee soo socda Premeir League la ciyaari doonta kooxaha Chelsea iyo Man City waxana la filayaa in ay labadaas kulan go’aamiyaan mustaqbalka tababaraha ee kooxda Arsenal.

Wargayska Express ayaa sheegaya in uu Mikel Arteta noqon doono tababaraha ugu horeeya ee shaqada laga caydhin doono premier League xilli ciyaareedka cusub kadib cadaadiska soo wajahay tababaraha.

Taageerayaasha Arsenal ayaa haatanba dalbanaya in shaqada laga caydhiyo Mikel Arteta kadib markii uuna wax is badal ah ku samayn kooxda Intii lagu jiray isku diyaarintii xilli ciyaareedka cusub.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here