Dalka Qatar oo markii ugu horreysay qabanaya doorashada Golaha Sharci-dejinta

0
131

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalka Qatar oo ka mid ah dalalka ugu hodansan caalamka ayaa markii ugu horraysay taariikhda dalkaasi lagu qaban doonaa doorashada golaha sharcidejinta, taas oo ay soo dhaweeyeen dalalka carabta qaarkood.

Hayeeshee todobaadkaan ayaa gudaha dallka Qatar waxaa ka dhacay  dibadbaxyo looga soo horjeedo qaabka loo xulanayo musharaxiinta ku tartami doonta Golaha Sharci-dejinta dalka Qatar.

Qatar ayaa ka mid ah dalalka Khaliijka ee boqortooyooyinka ah, isla markaana ay ku yaryihiin dabad-baxyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here