Carlo Ancelotti Oo Amaanay Xiddig Dhamaystiran Oo Ku Jira Kooxdiisa.

0
133

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Carlo Ancelotti ayaa guul ku bilowday shaqadiisa Real Madrid kadib markii ay kooxdiisu guul 4/1 ah ku garaacday kooxda Alaves kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Xiddiga Karim Benzema ayaa door weyn ka ciyaaray guusha kooxda Real Madrid kadib markii uu dhaliyay 2 ka mid ah 4-ta gool ee ay kooxda Real Madrid dhalisay.

Tababare Ancelotti ayaa amaan ugu qubeeyay weeraryahankiisa ahaana kabtankiisa kulankii Alaves kadib markii uu guul muhiim ah ku hogaamiyay kooxda Los Blancos.

“Qaybtii hore ee ciyaartu waxa ay ahayd mid aad u hoosaysa, kubad la’aanta”ayuu Ancelotti yidhi.

“Laakiin waxa aan shaqo fiican qabanay qaybtii dambe waxana aan soo bandhignay qaab ciyaareed dar-dar leh”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here