Manchester City Oo £120 Milyan oo Gini Dul-dhigtay Harry Kane.

0
211

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la filayaa in ay dardar geliso damaceeda iyo doonisteeda weeraryahanka reer England ee Harry Kane, waxaana lagu soo warramayaa in ay ka gudbisay dalab £120 milyan oo Gini ah.

Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay in labada kooxood ay wada-hadallo toos ah yeesheen toddobaadkan, iyadoo uu Harry Kane Jimcaha kusoo laabanayo tababarka Tottenham oo uu ka maqnaa.

Man City oo ka gaabsanaysay in ay ka hadasho qorshaheeda iyo qaabka ay ku raadinayso Harry Kane ayuu wargeysku sheegay in usbuucyada kooban ee ka hadhsan waqtiga uu xidhmayo suuqa iibka ciyaartoydu ay dedaal kasta u samayn doonaan sidii ay kula soo saxeexan lahaayeen.

Tababare Pep Guardiola ayaa kooxdiisa ku cadaadinaya in ay u keenaan Harry Kane, isla markaana uu noqdo saxeexoodii labaad ee xagaagan iyadoo uu hore u yimid Jack Grealish oo jabiyey rikoodhkii iibka horyaalka Premier League kaddib £100 milyan oo Gini oo ay kusoo iibsadeen.

Pep ayaa usbuucan horraantiisii sheegay in kooxdiisu ay sii wadayso damaceeda Harry Kane oo ay isku dayi doonaan in ay lasoo saxeexdaan haddii Tottenham ay ogolaato in ay wada-hadal ka gasho xiddigeedan, waxaana hadda hirgalay wada-hadalka, taas oo ka dhigan in ay labada kooxood ka wada xaajoonayaan qiimaha oo kaliya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here