Shacabka Maraykanka oo Looga Digay Inay U Safraan Wadanka Kenya Covid-19 Awgii.

0
157

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay uga digeen Muwaadiniintooda inay socdaal ku tagaan Kenya.

Xarumaha Maraykanka ugu qaabilsan Kontoroolka iyo Ka-hortaga Cuddurada ee CDC ayaa lagu sheegay in Digniintaa Socdaalka Caafimaadka ee Kenya la gaarsiiyey Heerka 3-aad, sababo la xiriirta Kororka Xanuunka COVID 19.

Muwaadiniinta Maraykanka waxaa kaloo lagula taliyey inaysan u safrin Deegaanadda Islii iyo Kibera, iyaadoo dadka Maraykanka lagu wargeliyey inay khatar u geli karaan in lagu afduubto Deegaanadaasi.

Sidoo kale, Dadka Maraykanka waxaa looga digay inay u socdaalaan Gobalka Turkaana iyo Deegaanadda Xeebta ee u dhow Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia, sababo la xiriirta Khatarta Argagixisadda ee ka jirta Goballadaasi, waa sida hadalka loo dhigay.

Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxaa lagu duray Awoodda Boliska Kenya u leeyihiin inay ka jawaabaan haddii lgu soo wargeliyo Dembiyada oo ay ku jiraan Dembiyada rabshadaysan, Dhaca Hubeysan ee Gaadiidka, Afduubka iyo guryaha oo la isku soo galo.

Digniintan ayaa timid iyadoo ay Dowladda UK horey xayiraad ugu soo rogtay Dhoofayaasha ka imaanaya Kenya, iyadoo Kenya ka mid ah dalalka ku jira Liiska Cas ee UK, cabsi la xiriirta faafista COVID 19.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here