Dhowr Qof oo Ku Dhintay Fatahaad Ka Dhacday Dalka Turkiga.

0
186

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 4 qof ayaa geeriyootay, mid kalena waa la la’ yahay, kadib, markii uu Daad ku dhuftay Gobalka Kastamanu ee Waqooyiga dalkaasi.

Hay’adda Maareynta Gurmadka iyo Ka-hortaga Masiibooyinka ee dalkaasi ee AFAD ayaa sheegtay in 13 qof ku dhaawacmeen Daad iyo dhul-go’ ka dhacay Goballadda Bartin, Kastamanou iyo Sinop.

Muuqaal Video oo ay Hay’adda AFAD sii daysay ayaa muujinaya inay socdaan dadaalka lagu daad-gureynayo dadka ku go’doomay guryahooda, Dhismooyin burburay iyo Khasaaro xooggan oo soo gaaray Waddooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here