Lionel Messi oo Ballanqaadkii Ugu Horreeyay U Sameeyay PSG.

0
138

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kaddib markii ay ugu dambayn xalay kooxda Paris Sain-Germain si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexiisa, Lionel Messi ayaa bixiyay waraysigiisii ugu horreeyay ee isaga oo aan ahayn ciyaaryahan Barcelona ah.

Messi ayaa toddobaadkii hore ogaaday xaqiiqada murugada leh ee ah inuu ka tagayo Barca oo aysan waxba ugu hadhin walow uusan jeclayn isagu inuu ka dhaqaajiyo sida uu sheegay.

Xiddiga lixda jeer kusoo guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ayaa Paris u saxeexay heshiis laba sano ah oo sanadka saddexaad yahay dookh la kordhin karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here