Shaxda Laga Yaabo In Ay Chelsea Caawa Kaga Hor Tagto Villarreal.

0
124

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda chelsea ayaa caawa ciyaari doonta kulanka UEFA Super Cup oo ay ka hor tagi doonto kooxda Villarreal kulan ay Blues isha ku hayso in ay ku guulaysato koobka.

Koobka UEFA Super Cup ayaa ah mid ay isaga hor yimaadaan kooxaha ku kala guulaystay tartamada Champions League iyo Europa League xilli ciyaareedkii hore.

Thomas Tuchel ayaa isha ku haya koobkiisii 2-aad tan ilaa markii uu tababaraha u noqday kooxda chelsea isaga oo la filayo in uu kulanka ku soo galo shaxdiisa ugu adag.

Ma jiri doonan xiddigo cusub oo ka qayb qaadan doona kulankan inkasta oo la filayay in uu Romelu Lukaku daqiiqado ka ciyaaro kulankan laakiin ilaa haatan laguma dhawaaqin saxiixiisa.

Sidaas darteed Werner ayaa sii hogaamin doona weerarka kooxda chelsea halka ay wehelin doonaan xiddigaha Havertz iyo Ziyech kuwaas oo qaab fiican ku jira tan ilaa kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here