Liverpool oo Garaacday Osasuna Kulankoodii Ugu Dambeeyay.

0
185

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Liverpool ayaa guul weyn ku soo xidhatay Kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo garaacay kooxda Osasuna kulan ka dhacay Anfield.

Klopp ayaa ku soo galay shax ka duwan shaxdii kulankii xalay isaga oo tijaabinaya xiddigaha kooxdiisa ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Liverpool ayaa daqiiqadii 14-aad heshay goolka 1-aad kadib markii uu xiddiga Osasuna ee Jesus Areso Blanco si khaldan goolkiisa uga dhaliyay gool kubad uu Minamino laaday.

Reds ayaa siiw aday qaab ciyaareedka fiican ee kooxdiisa iyaga raadinayay in ay sii dheeraystaan hogaanka ciyaarta xilli ayna difaaca Liverpool la kulmin halis adag.

Daqiiqadii 24-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xididga Roberto Firmino kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 2/0.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here