Maamulka Puntland oo ku Dhawaaqday liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee dalka.

0
140

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray liiska 22-ka musharax ee u tartamaya 11-ka kursi ee Puntland afarta sano ee soo socota ku matali doona Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Xubno hore uga tirsanaa Aqalka Sare oo ay ka mid yihii Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirkii hore ee Qorsheynta Cabdirisaaq Jurille ayaan ka muuqan liiska cusub ee madaxweyne Deni.

Sadex ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Puntland ayaa loo goondeeyay haweenka, waxaana ku tartami doona musharaxiinta haweenka ah oo kaliya.

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal ayaa dhowr jeer ugu baaqay madaxweynaha Puntland inuu soo saaro liiska musharraxiinta Aqalka Sare.

Doorashada Aqalka Sare ayaa 29-kii bishii hore ee July ka billaabatay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here