Arsenal oo U Dhaqaaqaysa Saxiixa Xiddig La Xaqiijiyay In Uu Ka Tagayo Man City.

0
178

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal ayaa muujisay xiisaha ay u qabto saxiixa xiddiga Manchester City Bernardo Silva kadib markii ay dhimatay rajadii ay ka qabeen saxiixa xiddiga kooxda Leicester City ee James Maddison sida ay sheegayaan wararku.

Gunners ayaa si aad ah loola xiriiriyay Maddison, kaasoo si wanaagsan ugu soo ciyaaray kooxda Leicester City 3-dii sano ee la soo dhaafay

Laakiin Leicester City ayaa Arsenal u seheegtay in ay kaliya ku iibinayaan xiddiga 24 jirka ah lacag dhan 70 milyan oo euro iyaga oo sidoo kale doonaya in ay sii haystaan xiddiga.

Kadib markii ay dhimatay Rajadii Arsenal ee saxiixa xiddiga Maddison, Gunners ayaa dareenkooda u jeediyay saxiixa xiddiga Bernardo Silva sida laga soo xigtay wargayska Daily Mirror.

Xiisaha Arsenal ee xiddiga Man City ayaa imanaya kadib markii uu tababare Pep Guardiola Jimcihii xaqiijiyay in uu xiddiga reer Portugal dalbaday in uu isaga tago kooxda Inta lagu jiro suuqa xagaagan

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here