Kalluun ‘ilko Bani’aadan leh oo lagu qabtay Magaalo ka tirsan Mareykanka.

0
137

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kalluun dhif iyo naadir ah oo leh ilko u ek kuwa bani’aadanka ayaa lagu qabtay magaalo ka tirsan dalka Mareykanka.

Sawir laga soo qaaday kalluunkaas ayaa isbuucan lasoo galiyay barta bulshada ee Facebook, halkaas oo si weyn loogu hadal hayay.

Markii ugu horreysay waxaa sawirka lasoo dhigay bogga Jennette’s Pier, oo ah shirkad kalluumeysiga ka shaqeysa oo ku taalla gobolka North Carolina.

Waxaa kalluunkan lagu sheegay inuu yahay midka afka qalaad loogu yaqaanno “sheepshead”. Afkiisa qaybta hoose waxaa ku yaalla dhowr saf oo ilko ah, kuwaasoo uu ku ruugo raashinka.

Magaca kalluunkan ayaa la aaminsan yahay inuu asal ahaan ugu baxay maadaama uu afkiisa u egyahay midka idaha.

Kalluunkan ayaa la rumeysan yahay inuu soo dabay Nathan Martin, oo si joogto ah ula shaqeeya shirkadda kalluumeysiga.

Mr Martin ayaa sheegay in uu rajeynayay inuu qabto kalluunka madaxa idaha leh kaddib markii uu si toos ah u arkay “af ay ilko ka buuxaan”.

“Waa dagaal aad u wanaagsan marka aad ku dagaallameyso safka, runtii waxay ahayd kalluun dabid fiican, aad baana uga helay,” ayuu ku yiri warbaahinta McClatchy News.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here