Madaxweynaha Dalka Afrikada Dhexe Oo Booqnaya Dalka Ruwanda

0
130

JOWHAR(Radio isnaay) Madaxweyne Faustin Arjange Todera waxa maanta booqasho 4 maalmood ah uga bilabantay Caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali.

Waxa uu Kulan albaabadda u xiran la yeelan doonaa Dhigiisa dalkaasi, Paul Kigambe, iyagoo isla eegi doona Xiriirka Labada dal iyo Xaalladda Gobalka iyo Boqolaalka Ciiddanka Ruwanda ee lagu biiriyey Ciiddanka Nabad-ilaaliyayaasha QM ee ka hawlgala dalka Afrikada Dhexe.

Madaxweynaha Afrikada Dhexe waxa uu booqan doonaa Masxafka loo dhisay Ka-hortaga Xasuuqa iyo Mashruuc dhismo Dugsi iyo Xarun Cafimaad oo laga hirgeliyey Tuullo ka tirsan Degmadda Musanze, iyadoo dhismhaasi la dejiyey 144 Qoys.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here