Man City oo Xaqiijisay Lambarka Uu Jack Grealish U Qaadan Doono Kooxda.

0
188

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Man City ayaa xaqiijisay in uu Xiddiga Jack Grealish kooxda u xidhan doono No.10 xilli ciyaareedka cusub kadib markii uu lacag rikoodh ah ugu biiray kooxda.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa qalinka ku duugay heshiis 6 sano ah maanta oo khamiis ah kulana joogi doono kooxda ilaa xagaaga 2027.

Grealish ayaa dalbaday Lambarka No.10 oo uu sidoo kale u xidhan jiray kooxdiisii hore ee Aston Villa.

Xiddiga reer England ayaa Lambarka No.10 ka dhaxlaya Halyeeyga kooxda Man City ee Sergio Aguero kaas oo ka tagay kooxda kadib muddo 10 sano ah oo uu xidhnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here