Koox Aad Ugu Kalsoonayd Saxiixa Lionel Messi oo La Ogaaday.

0
178

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay aad ugu kalsoonayd inay la soo saxiixan karto xiddiga kooxda Barcelona ee  Lionel Messi xagaagan waxayna u soo bandhigeen xiddiga reer Argentina “wax walba oo ay lacag iibin karto” sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France.

Messi ayaa haatan ah xiddig xor ah kadib markii uu heshiiskiisii hore ee Barceloan dhacay 30 bishii June laakiin xiddiga 34 jirka ah ayaa la sheegayaa in uu qarka u saaranyahay in uu heshiis 5 sano ah ugu biiro Barcelona.

Ku dhawaaqista heshiiska cusub ee Lionel Messi ayaa la filayaa in ay dhacdo maanta oo khamiis ah saacadaha soo socda kadib markii uu xiddigu hoos u dhigay mushaharkiisa.

Sida laga soo xigtay saxafi Marcelo Bechler, PSG waxay aad ugu kalsoonayd inay Messi keenaan Paris laakiin ma aysan tijaabin in ay xitaa heshiis qaali ah u soo bandhigigaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here