Gary Neville oo Qimeeyay Saxiixyada Cusub Ee Man United.

0
149

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Halyeeyga Man United ee Gary Neville ayaa sheegay in ay Man United heshay laab xiddig oo xiiso leh kadib markii ay United la soo wareegtay xiddigaha Raphael Varane iyo Jadon Sancho.

Man United ayaa ugu horayn dhamaystirtay saxiixa xiddiga Jadon Sancho kaas oo ay muddo sanad ah ku raad joogeen iyaga oo kula soo wareegay xiddiga lacag dhan 73 milyan oo euro.

Kadib United ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga Rahael Varane kaas oo iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Real Madrid iyaga oo isagana ku helay lacag dhan 50 milyan oo euro.

Neville oo arintaas ka hadlaya ayaa u sheeay Sky Sport”Waxan u malaynayaa in uu Varane yahay mid xiiso leh, Sancho laftiisu waa xiddig xiiso leh laakiin isaga waa la filayay in uu saxiixiiso dhoco”.

Kooxda Man United ayaa ah kooxda ilaa haatan premier League si dhab ah u samaysay saxiixyo xiiso leh kooxaha ugu waaweyn horyaalka premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here