Muuse Biixi oo la kulmay Guddoonka Cusub ee Golaha Wakiilada una hambalyeeyay

0
177

JOWHAR (Radio isnaay) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Xafiiskiisa ku qaabiley Shir gudoonka Cusub ee  Golaha Wakiilada Somaliland ee manta kusoo baxay doorasahdii ka dhacday magaalada Hargeysa.

Kulan uu la qaatay Gddoonka kadib ayaa Madaxweynaha Somaliland uu u hambalyeeyay, isaga oo sheegay in Maanta ay tahay malin taariikhi ah maadaama lagu guuleystay in ay si nabad ah ku dhacdo doorashada.

Waxaa uu sheegay in doorashadaan ay sidoo kale niyadjab ku tahay cadawga Soomaliland, waxaana uu ugu baaqay Guddoonka Cusub ee Golaha Wakiilada Soomaliland inay waajibkooda Shaqo si wanaagsan u gutaan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u mahad celiyay xubnaha Cusub ee Golaha wakiilada Somaliland iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay inay si nabad ah ku dhacdo doorashada guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here