Ruben Neves oo Si Maldahan U Go’aamiyay Meesha Uu Ka Ciyaari Doono Xilli Ciyaareedka Cusub.

0
156

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Wolves Ruben Neves ayaa si maldahan u sheegay inuu diyaar u yahay inuu sii joogo Wolverhampton Wanderers xilli uu xiiso ka helayo kooxaha Arsenal iyo Man United.

Iyada Kooxaha Man United iyo Arsenal waayi karaan xiddigaha Paul Pogba iyo Granit Xhaka xiddiga Ruben Neves ayaa bartilmaameed u noqday labada kooxood si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe xilli ciyaareedka cusub.

Laakiin xiddiga 24 jirka ah ee reer Portugal ayaa si maldahan u sheegay in uu doonayo la shaqaynta tababaraha cusub ee kooxda Wolves ee Bruno Lage.

Isagoo la hadlayay TV -ga Wolves, xiddiga reer Portugal ayaa yiri:”Tababare Lage waa tababare aad u fiican, run ahaantii aad ayaan ugu faraxsanahay in aan la shaqeeyo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here