Chelsea oo Suuqa Dhigtay 10 Xiddig oo Ay Iska Iibinayso Suuqa Xagaagan.

0
177

Jowhar – ( Radio Isnaay ) Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa lagu soo waramayaa inuu iska iibinayo 10 xiddig inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Inkasta oo ay kooxda chelsea xagaagii hore lacag badan suuqa galisay kuna uulaystay champions League hadana Blues ayaa la filayaa in ay mar kale suuqa galiso lacag badan si ay u xoojiso kooxdeeda.

Blues ayaa la aamisanyahay in ay doonayso saxiixyada xiddigaha Jules Kounde iyo waliba weeraryahan cusub oo ay ka mid yihiin Romelu Lukaku iyo Erling Haaland kuwaas oo ay u doonayso weerarka in ay ku xoojiso.

Wargayska The Mirror ayaa sheegaya in uu Tuchel maamulkiisa u gudbiyay 10 xiddig oo uu doonayo in uu iska iibiyo kuwaas oo kala Kepa Arrizabalaga, Kurt Zouma, Marcos Alonso, Emerson Palmieri, Davide Zappacosta, Michy Batshuayi, Tammy Abraham, Ross Barkley, Danny Drinkwater & Tiemoue Bakayoko.

Dhamaan 10-kan xiddig ayaa ka qayb ahaa kulamada isku diayarina xilli ciyaareedka cusub ee kooxda chelsea ay ciyaartay todobaadyadii ugu dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here