Magacyada Shan kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee lagu doortay Baydhabo

0
187

JOWHAR (Radio isnaay) Waxaa Magaalada baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Maanta ka dhacday doorashada qaar kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare oo ay codeynayaan Xildhibaannada Koonfur Galbeed, waxaana doorashada oo saaka bilaabatay la doortay Shan kursi oo kamid ah Aqalka Sare.

Kursigii ugu horreeyay ayaa waxaa ku tartamay Samsam Ibraahim Cali & Shariifo Xaaji Cusmaan Ibraahim, waxaana kursiga ku guuleystay Sanoter Samsam Ibraahim Cali oo ay heshay 81 Cod, halka Shariifo Xaaji Cusmaan ay heshay  5 Cod, waxaana halaabay  7.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamay Ayaan Aadan Cabdullaahi & Farxiyo Nuur Aadan, waxaana kusiga labaad ee Aqalka Sare ee ka imaanaya degaannada Koonfur Galbeed ku guuleystay Ayaan Aadan Cabdullaahi oo heshay 79 Cod  halka Farxiyo Nuur ay heshay Cod  8 Cod.

Kursiga Saddexaad ee Xildhibaannada Aqalka Sare ee ka imaanaya degaannada Koonfur Galbeed waxaa  ku tartamay Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ah Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah & Maxamed Xasan Aadan, waxaana kursiga ku guuleystay Aadan Cabdinaasir Maxamed  oo helay 80 Cod halka adan Maxamed Xasan Aadan uu helay 6 Cod, waxaana halaabay 6 Cod.

Kursiga Afaraad ee Aqalka Sare waxaa ku tartamay Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabey) iyo Nuur Baabul Cadow, waxaana kursiga Aqalka Sare ku guuleystay Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabey) oo helay 76 Cod halka Nuur Baabul Cadow uu helay 9 Cod.

Kursiga Shanaad ee ugu dambeeyay diorashadii Maamta ka dhacday Baydhabo ayaa waxaa ku tartamay Xuseen Maxamed Daahir iyo Xasan Maxamed Nuur, waxaana kursiga Xildhibaano ku guuleystay Xuseen Maxamed Daahir, isaga oo helay 71 Cod halka Xasan Maxamed Nuur uu helay 7 Cod, waxaana halaabay 10 Cod

Maamulka Jubbaland ayaa ahaa Maamulkii ugu horreeyay ee bilaabay doorashada Aqalka Sare, waxaana Maamulka labaad noqday Koonfur Galbeed, iyada oo Xildhibaannada dooran ay noqdeen Sagaal Senator.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here