Xeebaha Giriigga oo laga soo Badbaadiyay 10 ruux.

0
183

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Howlgal lagu badbaadinayo Tahriibayaal ka tagay Dalka Turkiga kuna sii jeeday Giriigga gaar ahaan Jasiiradda Lesbos ayaa socda, waxaana lagu guuleystay in la badbaadiyo 10-ruux sida ay sheegeen saraakiil u hadashay Maamulka Jaziiradda.

Doon ay la socdeen dadkaan ayaa degtay inkasta oo aan la sheegin sababta ka dambeysay balse waxaa la waayay saddex ruux oo ilaa haatan baadi-goobkoodu uu socdo sidaas waxaa Wakaaladda Wararka AP u sheegtay mid kamid ah saraakiisha howshaas ku howlan.

Ciidamada ilaalada Xeebaha Giriigga ayaa gacanta ku dhigay 10-ka ruux ee la badbaadiyay, waxaana ay geeyeen goob gaar ah si ay u hubiyaan xaaladda caafimaad, kadibna ay u xog-wareystaan.

Dhalashada Dadkaan si dhab ah looma shaacin balse waxaa loo badinayaa in ay kasoo jeedaan Bariga dhexe, Afrika & Qaaradda Aasiya oo tahriibayaasha badankooda ay kasoo jeedaan sida lagu ogaaday xog uruurin lagu sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here