Shil Sababay Dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Somaliland.

0
206

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shilkaan oo ah mid gaari, isla markaana geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay deegaanka lafaruug oo ka tirsan degmada Mandheera ee gobolka Saaxil ee degaannada Somaliland..

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday Gaari noocanraaxada ah, waxaana ku geeriyooday hal ruux halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidamo ka  tirsan kuwa ilaalada wadooyinka ee Somaliland iyo dadweynaha ku nool degaanka lafaruug ayaa gurmad u sameeyay dadka ku dhaawacmay shilka Gaari, kuwaas oo la geeyay Isbitaal si loogu daaweeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here