Man City oo Diyaarinaysa Dalab Furitaan Ah oo Ay Ku Doonayso Saxiixa Jack Grealish.

0
184

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda heysata horyaalka Premier League ee Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay dalab furitaan ah oo 75 milyan euro ka gudbinayso xiddiga khadka dhexe ee Jack Gealish.

Pep Guardiola ayaa xiddiga 25 jirka ah u calaamadsaday bartilmameedkiisa 1-aad suuqa xagaagan waxana uu doonayaa in uu keeno ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Villa ayaa la rumaysanyahay in ay xiddiga ku qiimayso 100 milyan oo euro laakiin kooxda Man City ayaa miiska saari doonta dalab 75 milyan ah iyo waliba lacago guno ah.

Wararka ayaa sheegaya in ay Villa dhankeeda diyaar u tahay in ay heshiis cusub u soo bandhigto xiddiga khadka dhexe si uu u sii joogo kooxda.

Gralish ayaa haatan ku jira fasax laakiin waxa la filayaa in uu tababarka ku soo laabto bilowga todobaadkan waxana uu kooxdiisa kala hadli doonaa mustaqbalkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here