Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wafdi ka socda QM

0
178

JOWHAR (Radio isnaay) Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Maanta gaaray wafdi ay hoggaamineyso Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe ku qaabilay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, iyaga oo ka wada hadlay  guud ahaan xaaladda Soomaaliya, oo ay ugu horeyso arrimaha Doorashooyinka oo la filayo in Aqalka Sare ay dhowaan bilowmaan.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka oo ka qeyb galay Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here