RW Rooble oo magacaabay guddiga xaqiijinta qoondada haweenka

0
175

JOWHAR (Radio isnaay) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood oo qaabilsan u ololeynta  iyo xaqiijinta qoondada haweenka  ugu yaraan 30% ee labada aqal ee BFS.

Guddigaan ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble sheegay in sababta uu u Magacaabay ay tahay Sidii loo hubin lahaa matalaadda haweenka ee goleyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer waxaa ay dalab u gudbiyeen Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya, iyaga oo codsanayay in la ilaaliyo qoondada haweenka  ugu yaraan 30% ee labada aqal ee BFS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here