Ben White oo Maanta Tijaabada Caafimaadka U Mari Doona Arsenal.

0
217

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga Ben White ayaa maanta tijaabada caafimaadka u mari doona Kooxda Arsenal si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biiri doono Arsenal sida ay sheegayaan wararku.

Kadib markii ay Arsenal dhigeeda Brighton kala heshiisay saxiixa xiddiga xiddiga 23 jirka ah ayaa noqon doona saxiixii 3-aad ee ay samayso kooxda Arsenal suuqa xagaagan.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, xiddiga Ben White ayaa maanta oo Axad ah mari doona tijaabada caafimaadka kooxda Arsenal si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo Gunners.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here