Ninkii ka soo Horjeeday Isticmaalka tallaalka Covid-19 oo isla Cudurkii u dhintay.

0
173

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Nin reer Kaliforniya ah oo ku jeesjeesay talaalka Covid-19 ee baraha bulshada ayaa dhintay kadib dagaal socday muddo bil ah oo uu kula jiray viruska.

Stephen Harmon, oo xubin ka ahaa Hillsong megachurch, waxa uu si weyn uga soo horjeeday tallaalada, isagoo taxanayaal kaftan ah ka sameeyay inaanad qaadan tallaalka.

“Waxaan helay 99 dhibaato laakiin tallaalku kama mid aha,” 34 jirkaan ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray 7,000 taageerayaashiisa ah.

Waxaa laga daaweeynayay oof wareenka iyo Covid-19 isbitaal ka baxsan Los Angeles, halkaas oo uu ku dhintay Arbacadii.

Maalmihii geeridiisa ka hor, Mr Harmon wuxuu diiwaangeliyey halgankiisii uu ugu jiray inuu sii noolaado, isagoo soo dhigay sawiradiisa isagoo sariirtiisa jiifa isbitaalka.

“Fadlan ii duceeya, runtii waxay rabaan inay i dhex galaan oo ay igu qasbaan in aan isticmaalo neef caawiye” ayuu yidhi.

mbeeyay ee uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Arbacadii, ayuu Mr Harmon ku sheegay inuu go’aansaday inuu galo loo soo duceeyo.

“Ma ogi goorta aan toosi doono, fadlan soo ducee,” ayuu qoray.

In kasta oo uu la halgamay fayraska, Mr Harmon weli wuxuu sheegay inuu diidi doono in la tallaalo, isagoo sheegay in aaminaaddiisa diineed ay difaaci doonto

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here