Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Kulan La Yeeshay Maamulka Gobolka Sh/Dhexe

0
197

JOWHAR (Radio isnaay) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo weli ku sugan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe  ayaa Maanta kulan la qaatay Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan Degmada Cadale.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Deegaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe  waxaana kulanka ka qeyb galay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa Madaxweyne Cali Guudlaawe uga Warbixiyay Horumarada ka socda Deegaanada Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Adeegyada ay u baahan yihiin Bulshada in wax la qabto.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Maamulka Degmada Cadale ka dhageystay Warbixinno la xiriira baahiyaha ka jira Degmadaasi ee u baahan wax la qabto waxaana la sheegay in Madaxweyne Guudlaawe uu ballan qaaday inuu wax ka qaban doono Baahiyaha Caafimaadka iyo Waxbarshada ee Degmadaasi.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa Maamulka Degmada Cadale iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada degmadaasi uga mahadceliyay soo dhaweyntii wanaagsaneyd ee ay u sameeyeen isaga, Madaxweyneyaashii hore ee Dalka iyo Wafdigii kale ee gaaray Degmadaasi.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku sugnaa Madaxweyne Cali Guudlaawe, Madaxweynihii Hore ee Dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii Hore ee Dalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyagoona halkaas ka Sameeyay kulamo gaar gaar ah oo ay la qaateen Odayaasha dhaqanka iyo Maamulka Degmadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here