In kabadan 100 Ruux oo ku geeriyooday Roobab ka da’ay dalka Hindiya

0
175

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 110 ruux ayaa ku geeriyooday daadad ka dhashay roobab xooggan oo ka da’ay gobalka Maharashtra ee dhaca galbeedka wadanka hindiya.

Daadii ka dhashay Roobabka ayaa waxaa ay ku dhufteen boqolaal tuulo kuwaasoo burburiyay guryo badan oo ku yaalay gobolkaasi, waxaana socda gurmad culus oo lagu samata bixinayo dadka ay mashaqada ku dhacday.

Malatariga dalka hindiya ayaa si weyn ugu qeyb qaadanaya howlaha lagu badbaadinayo dadka ku waxyelloobay gobolkan sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Milatariga Dowladda Hindiya.

Muddo tobonaan sanno ah ayaa waxaa wayeello kala kulmayeen gobaladda ku yaala galbeedka wadanka Hindiya Roobab culus oo inta badan halkaasi ka da’a bisha july ee sannadka kasta.

Quburo ku xeel dheer arrimaha deegaanka ayaa sheegay in sababaha ugu waa weyn ee keenay Roobabka halkaasi ka da’a ayay ku micneyeen cimilada dunida ee sii kululaaneysa.

Saraakiil ka tirsan hay’adda gurmadka deg deg ah ayaa xusay in dhibaatada ugu badan ay ka dhalatay waxyeeladii daadadka ee ka soo bilawday labo degmo oo ka tirsan gobalka.

Dowladda ayaa sheegtay in dadka nugul laga daadad gureeyay deegaanada ugu daran ee ay dhibaatada ka jirto.

Ra’iisul wasaaraha wadanka hindiya narendra modi, ayaa sheegay in  uu si weyn ugu xun yahay dadka ku dhintay Roobabka iyo daadadka, isagoo intaasi ku daray in ay gargaar la gaarsiin doono gobalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here