Xaraashka Da’yarta Kooxda Chelsea oo Sii Socda.

0
395

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda dhawaan usoo dalacday horyaalka Premier League ee Brentford ayaa shaacisay saxeexa khadka dhexe ee Myles Peart-Harris oo ay heshiis afar sano ah kagala soo saxeexdeen dhinaca dhigooda Chelsea heshiis afar sano ah.

Tan ayaa ka dhigan in kooxda Chelsea ay halkeeda kasii wado inay xagaagan kala dirto qaar badan oo kamida xiddigaha da’yarteeda ee kuliyadeeda kasoo baxay.

18 sano jirkaas ayaa labada kooxood ee galbeedka London wada degen ugu kala wareegay qiimo aan la shaacin, kooxda lagu naanayso shinida ayaan haysata dookha ay sanad shanaad ku kordhin karto heshiiskiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here