Manchester United oo ku Dhawaaqday Saxeexa Jadon Sancho.

0
126

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa Jimcihii si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexa Jadon Sancho oo ay kala soo wareegtay Borussia Dortmund, iyadoo kasoo bixisay £73 milyan oo Gini, waxaanu noqday ciyaartoygii saddexaad ee ugu qaalisanaa ee ay Red Devils iibsato isagoo ku xiga Paul Pogba iyo Harry Maguire.

Waxa  uu noqday saxeexii labaad ee ay United xagaagan samayso, isagoo ku xigay goolhaye Tom Heaton.

Isaga oo hadalka sii wata, waxa uu intaas raaciyey: “Tani waa koox ay joogaan ciyaartooyo da’yar ah oo ku farxad-gelinaysa, waanan garanayaa, wada-jirkayaga, waxa aanu gaadhi doonaa guulo ay taageereyaashu u qalmaan. Waxa aan rajaynayaa in aan la shaqayn doono tababaraha iyo shaqaalaha tababarka si aan u horumariyo ciyaartayda.”

Kaddib markii ay Manchester United sida rasmi ah u dhamaystirtay saxeexa Sancho, waxa cirka isku shareertay lacagta ay suuqa gelisay tan iyo xilli ciyaareedkii 2017/18.

Laga soo bilaabo waqtigaas, Manchester United ayaa suuqa iibka ku kharash-garaysay lacag gaadhaysa £616.21 milyan oo Gini oo ay ciyaartooyo kusoo iibsatay, halka iyaguna xiddigihii ay xaraasheen ay ka heleen £158.61 milyan oo Gini, taas oo ka dhigan in £657.60 milyan oo Gini ay kharash garaysay.

Laakiin sidee ayay noqonaysaa haddii lacagtan la barbar-dhigo 20ka kooxood ee kale ee horyaalka Premier League kula jira hadda? Imisa ayay koox kastaa bixisay iyadoo laga jaray lacagtii uga soo xerootay ciyaaryahannadii ay iska iibiyeen?

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here