Ciyaaraha Olombikada oo si rasmi ah uga furmay Magaalada Tokyo Ee Dalka Japan.

0
272

Jowhar –  ( Radio Isnaay ) – Xaflada furitaanka Ciyaaraha Olombikada Xagaaga ayaa ka bilaabatay Tokyo ee afartii sanaba mar la qabto iyadoo sanadkii hore uu u baaqday tartankan cudurka faafa ee coronavirus.

Boqorka Japan Naruhito iyo Madaxweynaha Guddiga Olambikada Thomas Bach, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo Marwada Koowaad ee Mareykanka Jill Biden, ayaa ka qeybgalay munaasabada furitaanka tartanka oo ka dhacday garoonka National Stadium oo qaada 68,000 oo ruux balse aysan joogin wax taageerayaal ah.

Tartankan ayaa waxaa uga qeybgalaya dalka Soomaaliya labo ciyaaryahan oo mid kamid ah uu yahay tartanka orodada iyo tartanka feerka oo ay ka qeybgalayso gabar Soomaali ah.

Ciyaaraha Olombikada ee sanadkan oo soconaya muddo labo toddobaad ah ayaa waxaa ka qeybgalaya illaa 11,000 oo ciyaartoy ah halka lagu tartamayo 33 ciyaaro ah waxaana la bixin doonaa bilado gaaraya 339.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here