27 Qof oo Qaba Hargabka Danyeerka oo lagu Arkay Gudaha Dalka Mareykanka.

0
159

Jowhar –  ( Radio Isnaay ) – Dad ka badan 200 oo ruux ayaa laga raadinayaa 27 gobol oo ka tirsan Mareykanka kaddib markii la tuhmay in ay qabaan fayraska dhifka ah ee loo yaqaanno monkeypox, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee dalkaas.

Dowladda ayaa ka cabsi qabta in dadkaas ay xiriir la sameeyeen nin kasoo jeeda gobolka Texas oo horaantii bishan cudurka ka keenay dalka Nigeria.

Ninkaas, oo la aaminsan yahay inuu yahay qofkii ugu horreeyay ee cudurkaas la tagay gudaha Mareykanka tan iyo sanadkii 2003, ayaa la dhigay isbitaal, waxaana lagu soo warramay in xaaladdiisu ay wanaagsan tahay.

Ilaa hadda ma jiraan kiisas fayraska ku saabsan oo la diiwaan galiyay ama si toos ah loo arkay.

Xarunta Xakamaynta iyo ka hortagga Cudurrada ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay inay ka walwalsan tahay in rakaabkii la socday labo duullimaad oo uu ninkaas raacay ay qaadeen cudurka.

Waxay mas’uuliyiinta intaas ku dareen in bukaanka uu safar ku tagay Atlanta, Georgia kaddib markii uu kasoo duulay magaalada Lagos ee dalka Nigeria taariikhdu markii ay ahayd 9-kii bishan July. Kaddib ayuu raacay duullimaad kale oo ku wajahnaa magaalada Dallas, halkaasoo uu cudurka calaamadihiisa ku dareemay isbitaalkana lagu dhigay.

Shaqaalaha xarunta xakamaynta cudurrada ayaa hadda kala shaqeyneysa shirkadaha diyaaradaha sidii looga hortagi lahaa “halista suurtagalka ah ee ka dhalan karta dadkii xiriirka la sameeyay ninka bukaanka ahaa”.

Waxaa la rumaysan yahay in fursadda uu cudurkaas ugu dhici karay rakaabka kale ay aad u yar tahay maadaama dhammaan dadka diyaaradaha saarnaa waajib looga dhigay inay xirnaadaan maaskaro, taasoo waafaqsan xakamaynta cudurka Covid-19.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here