Madaxweynayaashii Hore ee Dalka Oo Maanta Gaaray Degmada Cadale .

0
255

JOWHAR (Radio isnaay) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Maanta Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kusoo dhaweeyay wafdi ay Hoggaaminayeen Madaxweynayaashii Hore ee Dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Boqolaal Dadweyne ah ayaa isugu soo baxay soo dhoweynta Madaxweynayaashii hore iyagoo si wadajir ah kaga mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle oo soo dhoweynta ka hadlay ayaa Madaxda iyo wafdiga ay hogaaminayaan kusoo dhoweeyay Degmada Cadale oo ah Degmo Xeebeed Qurux Badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here